Xaaladda caafimaad ee hogaamiyaha mucaaradka Zimbabwe oo laga dayrinayo

Mr Tsvangirai ayaa asaasay xisbiga MDC 2000 Lahaanshaha sawirka AFP/GETTY IMAGES
Image caption Mr Tsvangirai ayaa asaasay xisbiga MDC 2000

Xaaladda caafimaad ee hogaamiyaha mucaaradka ugu wayn Zimbabwe Morgan Tsvangirai ayaa laga dayrinayaa.

Mr Tsvangirai ayaa ku jira isbataal ku yaalla dalka Koonfur Afrika muddooyiinkii ugu dambeeyay.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa ka soo xigtay qoyskiisa in rai'sul wasaarihii hore ee Zimbabwe oo 65 jir ah uu aad u xanuunsanayo.

Mr Tsvangirai ayaa laga dawaynayaa cudurka kansarka .

Ila wareedyada laga soo xigtay qoyskiisa ayaa sheegaya in Mr Tsvangirai uu miisaankiisa aad hoos ugu dhacay islamarkana uu daal badan dareemayo.

  1. Waa kuma yaxaaska soo rogaalceliyay ee Zimbabwe?
  2. Waa tuma Grace Mugabe, xaaska madaxweynaha Zimbabwe?
  3. Zimbabwe: Shan arrimood oo ay tahay in aad ogaato

Intii uu ku jiray halgankiisii siyaasada ee uu uga soo horjeeday madaxwaynihii hore ee Zimbabwe Robert Mugabe, dhowr jeer ayaa xabsiga la dhigay.

Mr Tsvangirai ayaa hogaamiya xisbiga Zimbabwe's Movement for Democratic Change (MDC.

Hogaamiyaha mucaaradka ugu wayn Zimbabwe Morgan Tsvangirai ayaa tan iyo bishii June ee sanadkii aanu soo dhaafnay waxa uu dhowr jeer galay isbataalka.

Xaaladda caafimaad ee Mr Tsvangirai ayaa ka sii dartay Isniintii, waxaa sidasi u sheegay barta internetka ee Bulawayo24 news ila wareedyo qoyskiisa ah.

Mowduucyada la xiriira