Kim Jong-un walaashiis oo booqanaysa Kuuriyada Koonfureed

. Lahaanshaha sawirka KCNA

Gabadha la dhalatay hoggaamiyaha dalka Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa lagu soo waramayaa in ay u safrayso dalka Kuuriyada Koonfureed si ay uga qeybgasho furitaanka ciyaaraha deyrta ee dalkaas ka furmaya.

Gabadhani oo saameynteeda badantahay, oo lagu magacaabo Kim Yo-jong ayaa ah gabadha ugu yar qoyska Kim Jong-il oo ah hoggaamiyihii hore ee Kuuriyada Waqooyi.

Arrintan waxaa loo fasirtay isu soo dhawaansho xiriirka labada dal ah, iyada oo ay jirto koox isku dhaf oo si wadajir ah uga qeybgalaysa ciyaaraha.

Balse dadka u dhuun duleela siyaasadda ayaa sheegaya in isu soo dhawaanshahan aysan waxbo ka badali doonin damaca hubka nuyuukleerka ee Waqooyiga.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Sida loo "sumeeyay" Kim Jong-nam

Horey waxaa Koonfurta u gaaray wasiirka isboortiga Waqooyiga Kim Il-guk oo horkacayo 280 qof oo ciyaaraha ka qeybgalaya.

Waxaa la sheegaya in gabadhan ay fariin ka siddo walaalkeed oo ay u tahay qofka ugu dhow ee la taliya.