Maraykanka oo qoonsaday xiriirka labada Kuuriya

Mike Pence, madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Mike Pence, madaxweyne ku xigeenka Maraykanka

Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Mike Pence ayaa si kulul uga hadlay xiriirka soo hagaagaya ee labada Kuuriya, wuxuuna sheegay in aanan marnaba la aamini karin Kuuriyada Waqooyi.

Isaga oo ka hadlay dalka dariska ah ee Japan ayuu sheegay in ciyaarihii wadajirka ahaa ee sanadkii 2006-kii ay u safteen labadan dal, ay Kuuriyada Waqooyi tijaabisay gantaal 8 bilood kadib ciyaarahaas.

Waxa uu Kuuriyada Waqooyi ku tilmaamay dalka oogada adduunka ugu arxanka daran, uguna kaligii talissan.

Waxa uu intaas ku daray in Maraykanka ay wax kasta u furanyihiin in ay talaabo kaga qaadaan xukuumadda Pyongyang.

Balse meesha kama uusan saarin in uu la kulmi doono saraakiisha ka socota Kuuriyada Waqooyi.

Mike Pence ayaa ka qeybgalaya furitaanka ciyaaraha oo sidoo kale ay ka qeybgalayso gabadha la dhalatay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

Gabadhani oo saameynteeda badantahay, oo lagu magacaabo Kim Yo-jong ayaa ah gabadha ugu yar qoyska Kim Jong-il oo ah hoggaamiyihii hore ee Kuuriyada Waqooyi.

Ka qeybgalka Kuuriyada Waqooyi ee ciyaarahan ayaa loo arkaa isu soo dhawaansho xiriirka labada dal oo muddo aad u xumaa, balse waxa ay u muuqataa in arrintaas aysan farxad galin haynin Maraykanka.

Balse dadka u dhuun duleela siyaasadda ayaa sheegaya in isu soo dhawaanshahan aysan waxbo ka badali doonin damaca hubka nuyuukleerka ee Waqooyiga.

Gabadhani oo saameynteeda badantahay, oo lagu magacaabo Kim Yo-jong ayaa ah gabadha ugu yar qoyska Kim Jong-il oo ah hoggaamiyihii hore ee Kuuriyada Waqooyi.

Horey waxaa Koonfurta u gaaray wasiirka isboortiga Waqooyiga Kim Il-guk oo horkacayo 280 qof oo ciyaaraha ka qeybgalaya.

Waxaa la sheegaya in gabadhan ay fariin ka siddo walaalkeed oo ay u tahay qofka ugu dhow ee la taliya.

Mike Pence waxa uu sheegay in ciyaaraha ay kala qeybgalayaan qoyska nin lagu magacaabo Otto Warmbier oo u dhashay Maraykanka, kaas oo dhintay waxyar uun kadib markii laga soo siidaayay xabsi ku yaala dalka Kuuriyada Waqooyi.

Mowduucyada la xiriira