Dadka Venezuela oo u kala ordaya xadka Colombia uu waddankaasi la wadaago

Kumannaan qof oo u dhalatay dalka Venezuela ayaa maalin walba u tallaaba dhinaca Colombia si ay halkaas dhaqaale uga doontaan Lahaanshaha sawirka Empics
Image caption Kumannaan qof oo u dhalatay dalka Venezuela ayaa maalin walba u tallaaba dhinaca Colombia si ay halkaas dhaqaale uga doontaan

Kumannaan qof oo waddanka Venezuela u dhalatay ayaa u kala orday goobaha loogaga gudbo xuduudda waddanka Colombia kaddib markii Madaxweynaha waddankaasi, Juan Manuel Santos, uu ku dhawaaqay in la adkeynayo goobaha xuduudda looga soo gudbo.

Waxaa loo ogol yahay inay xuduudda ka gudbaan dadka leh kaararka gaarka ah ee xuduudda iyo qofkii wata baasaboor oo kaliya.

Dadkan qulqulayaa ayaa ka cabsanaya inay ku adkaan doonto inay Colombia galaan haddii tallaabooyinkan si buuxdo loo fuliyo.

Kumannaan qof oo u dhalatay dalka Venezuela ayaa maalin walba u tallaaba dhinaca Colombia si ay halkaas uga doontaan shaqooyin ay ku meel gaaraan amaba si ay halkaas wax uga soo gataan.

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Colombia waxa ay leedahay muhaajiriinta Venezuela ayaa 2017 sare u kacay in ka badan 100%

Inta badan dadkaasi dib ayey dalkooda ugu soo laabtaan, hasayeeshee dowladda Colombia ayaa waxa ay filaysaa in qaar badan oo kale ay dalkeeda iska sii joogaan xili ay sii xumaanayso dhibaatada dhaqaale ee waddanka Venezuela.

Venezuela ayaa waxaa la degay sicir barar socday muddo sanado ah iyo gabaabsi dhinaca cunnada iyo dawada ah.

Brazil ayaa sidoo kale walaac arrintan ka muujisay, iyadoo kumannaan qof oo u dhalatay Venezuela ay ku nool yihiin goobo khatar badan oo ku yaal gobolka xuduudda ee Roraima.

Dadka Venezuela ayaa waxa ay goobaha codbixinta u dareeri doonaan 22 bisha April si ay u soo doortaan madaxweyne.

Nicolás Maduro, oo xilka hayay tan iyo sanadkii 2013, ayaa u tartamaya inuu xilka sii hayo lix sanno oo kale.

Mowduucyada la xiriira