Saraakiisa ANC oo leh kulamo go'aan looga gaarayo mustaqbalka Zuma

Dad badan ayaa rajaynaya in iscasilaada Zuma ay sare u qaadayso fursadda xisbiga ee doorashooyiinka 2019 Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Dad badan ayaa rajaynaya in iscasilaada Zuma ay sare u qaadayso fursadda xisbiga ee doorashooyiinka 2019

Saraakiisha sarsare ee xisbiga talada haya ee dalka Koonfur Afrika ee ANC ayaa leh kulan saacado qaatay si ay isugu dayaan in ay go'aan ka gaaraan mustaqbalka madaxwayne Jacob Zuma.

Waxaa la filayaa in saraakiisha ANC ay Zuma ka dalban doonaan in uu iscasilo.

Madaxwaynaha Koonfur Afrika Mr Jacob Zuma ayaa wajahaya dacwado la xiriira musuqmaasuq.

Mr Zuma ayaa horey dhagaha uga fureystay baaqyada ku aadan in uu iscasilo.

Maalintii axadda ayaa hogaamiyaha cusub ee xisbiga ANC Cyril Ramaphosa waxa uu sheegay in arrintan Zuma go'aan looga gaari doono kulanka xisbiga.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ku baaqaya in sida ugu dhaqsiyaha badan uu xilka uga dago.

Mowduucyada la xiriira