Mareykanka oo ka walaacsan dibadbaxayda ka billowday Itoobiya

oromiya

Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay wararka sheegaya in dad ay ku dhinteen mudaaharaado rabshada wato oo ay wadaan dad ka soo horjeedo dowladda.

Waxay dalbanayaan in la sii daayo dhammaan siyaasiyiinta iyo warfidiyeenkii la xidhay intii ay socdeen rabshado dalkaa ka dhacay laba sano ka hor.

Muddaaharaadada ayaa ka socda laba gobol, waxaana la xiray waddooyin badan, meheradaha ganacsiguna waa la xayiray markii shalay Isniintii uu bilaabmay mudaharaadku.

Xeer ilaaliyaha guud ee Ethiopia ayaa sheegay in dhamaan eedaymihii lagu soo oogay siyaasi mucaarad ah oo aad loo yaqaan oo la yidhaa Bekele Gerba la yidhaa la laalay kuwaas oo ahaa kicin dadweyne iyo horseed qalalaase.

Sannadkii 2016-kii ayaa xaalad degdeg ah lagu soo rogay dalka waxaana la xidhay tobanaan kun oo dad bannaan baxayey ah.

Mowduucyada la xiriira