Iscasilaada Zuma ka dib, maxaa u xiga Koonfur Afrika?

Madaxweyne Zuma ayaa ugu dambeyn xilka ka dagay kadib cadaasi soo foodsaaray. Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Madaxweyne Zuma ayaa ugu dambeyn xilka ka dagay kadib cadaasi soo foodsaaray.

Madaxweynaha Koonfur Afrika, Jacob Zuma, ayaa xilka iska casilay kaddib maalmo uu haystay caddaadis ballaaran oo uga imanayay xubnaha xisbigiisa ANC.

Waxa uu iscasilaaddiisa kaga dhawaaqay khudbad uu habeenkii Arbacada qaranka uga jeediyay taleefishinka.

Goor sii horraysay xisbiga ANC ayaa Zuma u sheegay inuu xilka banneeyo haddii kale uu wajahi doono in baarlamaanka uu maalinta Khamiista ah u qaado in lagala laabto codka kalsoonida.

75-jirkan ayaa waxaa saarnaa caddaadis ballaaran oo ah inuu xilka ku wareejiyo Madaxweyne ku xigeenka Cyril Ramaphosa, kaas oo ah hogaamiyaha cusub ee xisbiga ANC-da.

Zuma waxaa gaar ahaan waxaa si weyn u dhaawacay eedeymaha iska soo daba dhacayey oo sheegayey in qoyska -Gupta - ee maal qabeenka ee Hindida ah, in dowladda ay ka heleen qandaraasyo iyo qeyb ka ahaanshaha magacaabista xubnaha dowladda, maadaama ay la leeyihiin galaangal culus iyo xiriir madaxweyne Zuma.

Inkastoo ay madaxweyne Zuma iyo qoyska reer Gupta iska fogeeyeen eedeymaha loo soo jeediyey, haddana sheekada iska soo daba dhaceysa ee ah in dowladda ay gacanta ku hayaan reerkaasi marna ma joogsan.

Zuma ayaa sidoo kale wajahay eedeymo kale oo la xiriira musuq maasuq, is daba marin iyo kala gudbinta lacago sharci darro ah, kuwaasoo qeyb ka ah heshiis hub oo dhacey 1990-kii.

Maxaa haatan dhacaya?

Sida ku qoran dastuurka, marka ay lasoo gudboonaato dalka dhacdo sidan oo kala ah qofka qabanaya xilka madaxweynaha sida sharcigu qabo, waa sida soo socota:

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Taariikh nololeedka Zuma oo kooban
  • (a) Madaxweyne ku xigeenka
  • (b) Wasiir uu magacaabay madaxweynaha
  • (c) Wasiir ay soo xuleen xubnaha kale ee Golaha Wasiirada
  • (d) Afhayeenka baarlamaanka, illaa iyo inta Golaha Baarlamaanka ay u soo xulayaan mid ka mid ah xubnihiisa.

Maadaama uu madaxweyne kuxigeen yahay Ramaphosa, sidoo kale yahay hoggaamiyaha xisbiga talada haya ee ANC, waxay u badan tahay inuu isagu buuxiyo jagada madaxweynenimada.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Cyril Ramaphosa

Muxuu fali doonaa Ramaphosa?

Ramaphosa ayaa sheegay inuu mudnaanta siin doono badbaadinta xumaadey ee Koonfur Africa. Inyar kadib markii uu ku guuleystay dagaalkii adkaa ee loo galey hoggaaminta xisbiga ANC, isagoo yiri "Waa ineynu dhammaanteen sameyno wax allaale iyo wixii lagu xaqiijin karo in dib loo soo nooleeyo dhaqaalaha wiiqmay".

Laakiin maahan taasi mid fudud. Heerka shaqo la'aanta ee Koonfur Africa waa illaa iyo 30%, taasoo ku riixeysa dhalinyarada iney noqoto illaa iyo 40%. Heerka hooseeya ee kobaca iyo hoos u dhaca kalsooni qabka maalgaliyayaasha oo ay sii cusleysay deymaha ayaa u jiiday dhaqaalaha dhanka xaalad caal waa ah.

Talaabooyinka ugu horeeya ee lagu soo celinayo kalsoonida maalgaliyaaasha ayaa ah bidhaaminta eedeymaha la xiriira musuq maasuqa ragaadiyey dowladda ee ka dhex jira ubucdeeda.

.Tusaale ahaan, waxaa jira eedeymo ku saleysan maamul xumo lagu sameeyey shirkadda xoogga korontada dowladda ee Eskom, taasoo keentay dhibaato uu digniinteeda bixiyey wasiirka maaliyadda Malusi Gigaba, oo haddii aan wax laga qaban sida uu yiri dhaawac xun u geysan karta dhaqaalaha.

Haatan, Ramphosa wuxuu si deg deg ah ugu baahan yahay inuu mideeyo xisbiga. Ololihii dhawaan dhacey ee loo galey hoggaaminta ayaa si weyn u kala qeybiyey xisbiga ANC, wuxuu haatan u kala qeybsan yahay kuwo taageeraya Zuma, iyo kuwo taageeraya Ramaphosa oo doonaya inuu Madaxweyne Zuma is casilo.

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption ANC oo noqday xisbi kala jajabay

Guulaha ugu waa weyn ee uu gaarey Zuma, ayaa waxaa kamid ah xasilintii qalalaasha siyaasadeed ee ka jirey gobolka uu kasoo jeedo KwaZulu-Natal (KZN), intii lagu guda jirey ololihii siyaasadeed ee doorashadii dimuqraadiyadda aheyd sanadkii 1994-tii. Zuma wuxuu caan ka ahaa gobolkiisa, isagoo ku libin leh inuu codad badan ka keenay halkii uu kunoolaa, iyo sidoo kale gobolka uu qabiilkiisu dagan yihiin.

Waxaa jirta cabsi la qabo, oo kusaabsan haddii taageerayaasha Zuma ay u arkaan in si aan wanaagsaneyn loola dhaqmay, in ANC ay waayi karto codad muhiim u ah. Waxaa taasi kasii daran haddii halgan ka dhex jira xisbiga uu sii kordho, in sidoo kale ay dhici karaan dhibaatooyin siyaasadeed oo ay wehliyaan dagaal.

Taasi ayaa laga yaabaa in ay tahay sababta Ramaphosa uu aad taxadar uga muujiyay sidii uu meesha uga saari lahaa Zuma.

Waxaa la sheegaa in Ramaphosa uu markasta indhaha ku hayay madaxtinimada laga soo bilaabo 1994-tii, waxaana la sheegay in uu ka xumaaday markii Mandela uu u xulan waayay ninka isaga badalaya markii uu xilka ka dagay, taasna ay ugu wacnayd in uu siyaasadda ka boxo.

Maxaa u xiga ANC ?

ANC waxa ay ku guulaysatay doorasho kasta oo Koonfur Afrika ka dhacday tan iyo sanadkii 1994-tii markii uu dhamaaday nidaamkii caddaanka tirada yar ay majaraha u hayeen xukunka.

Balse taageerada loo hayo xisbiga ayaa hoos u dhacday , waxaana soo baxday in xisbiyada mucaaradka oo isbahaysi samaysta ay talada kala wareegi karaan markii koowaad.

Doorashooyinkii 2016-kii ee dowladaha hoose, ANC waxa ay lumisay taageero aad u badan, mucaaradka ayaana la wareegay maamulka magaalooyin waaweyn oo ay ka midyihiin Pretoria, Johannesburg iyo Port Elisabeth.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Xaafada Khalitsha ee Cape Town

Eedeymaha musuqmaasuq ee loo heysto xisbiga ANC ayaa uga sii daray xisbiga, waxayna keentay in dadka qaarkood ay dareemaan in wali nidaamkii midabtakoorka ee hanti uruursiga uu wali jiro.

95% hantida dalkan waxa ay gacanta ugu jirtaa dad ka yar 10%, iyada oo dadka caddaanka ah ay shan jeer heleen wax ka badan waxa ay helaan maddoowga.

ANC ayaa balanqaaday in ay dardar galin doonto qeybsiga kheyraadka dalka.

Mowduucyada la xiriira