Macllimiin lagu dilay weerar lagu qaaday iskuul ku yaalla Wajeer

Weerarka ayaa ka dhacay iskuul ku yaalla Wajeer Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Weerarka ayaa ka dhacay iskuul ku yaalla Wajeer

Saddex macllin ayaa lagu dilay gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya ka dib markii xalay weerar looga shakisan yahay in ay Al Shabab Fuliyeen lagu qaady goob iskuul ah,waxaa sidaasi ku tabisay Idaacada Capital FM.

Goobta uu weerarka ka dhacay ayaa ah meel u dhaw xadka Kenya iyo Soomaaliya ay wadagaan.

Dadka weerarka fuliyay ayaa sidoo kale waxa ay waddada iskuulka loo maro ay dhigeen waxyaabah qarxa,waxaa sidaasi u sheegay wargayska Naition abaanduulaha booliiska ismaamulka Wajeer Stephen Ng'etich.

Ila wareedyo laga helayo goobtaasi ayaa waxa ay wakaalada wararka ee Anadolu u sheegeen in waxyaabahani qarxa ay dib u dhigeen in adeega gurmadka degdega ah ay iskuulka soo gaaraan.

Mowduucyada la xiriira