Wajeer: Macallimiin iskuullada ammaan daro uga cararay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wajeer: Macallimiin iskuullada ammaan daro uga cararay

Wararka ka imanaya deegaanka Wajeer ee gobalka Waqooyi Bari ee waddanka Kenya ayaa sheegaya in qaar ka mid ah macalimiinta ka soo jeeda gobollada kale ee dalka ee wax ka dhigayay iskuulada ku yaalla xuduudda Soomaaliya ay halkaasi isaga soo carareen.

Arrintan ayaa ka dambaysay kaddib markii weerrar habeenkii Khamiista lagu qaaday iskuul ku yaala Wajeer lagu dilay saddex qof.

Xoghayaha Guud ee ururka maclamiinta ee Kenya, laanta Wajeer, Nuur Maxamed Bardad, ayaa sheegay in maclimiintani ay sheegeen in naftooda ay u baqayaan.

Waxa uu sheegay inay sameyn doonaan tallaabakasta oo ay macallimiintiisa deegaanka ugu haynayaan si aanay u kala go'in waxbarashada dhallaanka Wajeer.

Nuur Maxamed, waxa uu u warramay weriyaha BBC Cabdulqaadir Yuusuf Cali.