Laamaha Afka Igbo iyo Yoruba oo maanta ku soo biiray BBC-da

Members of the BBC Igbo and Yoruba teams in Lagos, Nigera
Image caption Waxaa jira idacaada aan abdnayn oo wararka ku tebiyo luuqadaha Igbo iyo Yoruba

Waxaa hawada soo galay laba laamood oo cusub oo ka tirsan BBC-da qeybta la hadasha dibedaha oo wararka ku tebin doona afafka Igbo iyo Yoruba, luuqadahaas oo looga hadlo dalka Nigeria.

Waxay adeegoodu ku billaabayaan bog ay internet-ka ku leeyihiin iyo baraha bulshada.

Igbo waxaa looga hadlaa koonfur bari Nigeria halka Yoruba looga hadlo koonfur galbeed Nigeri iyo dalalka Benin iyo Togo

Laamahan cusub waxay qeyb ka yihiin qorshihii ugu weynaa ee lagu ballaarinayo BBC-da qeybteeda dibedda la hadasha wixii ka dambeeyay 1940-kii.

Arrintan ayaa timid kaddib markii ay dowladda Britain 2016-kii ku dhawaaqday inay kordhisay dhaqaalaha ay siiso BBC-da.

BBC-da waxa ay sidoo kale sare u qaadaysaa laamaha TV-yada ee Afrika, taas oo ay ka mid tahay in lagu daro 30 barnaamij oo TV ah oo laga sii dayn doono taleefishino xiriir la leh BBC-da oo ku yaal dalalka ka hooseeya saxaraha Afrika.

Luuqadaha Carabiga iyo Ruushka ayaa sidoo kale la xoojinayaa.

Guud ahaan BBC-da waxay billaabeysaa 12 luuqadood oo looga hadlo Afrika iyo Aasiya.

Laanta Afka Pidgin-ka oo maanta ku soo biirtay BBC-da

BBC oo bilowday Laamo cusub oo la hadla Itoobiya iyo Eritereya

Igbo - lix arrimood

  • Dadka caanka ah ee luuqadan ku hadla waxaa ka mid ahaa Chinua Achebe, oo lagu tilmaamay inuu yahay mid ka mid ah dadkii doorka ku lahaa aasaaska sugaanta Afrika.
  • In ka badan 30 milyan oo qof ayaa ku hadasha luuqaddan oo intooda badan ku nool koonfur bari Nigeira
  • Hal eray ayaa macna badan yeelan kara, iyadoo ay ku xiran tahay hadba sida jumladda loo geliyo looguna dhawaaqa. Tusaale ahaan erayga ''Akwa'' waxaa laga wadaa sariir, ukun ama dhar.
  • Dhaqdhaqaaq gooni u goosad doon ah oo Igbo ah ayaa dagaal sokeeye billowday 1967.
  • Nooc ka mid ah lowska ayaa muhiiim u ah dhaqanka Igbo--martida ayaana lagu soo dahweeyaa.
  • bbc.com/igbo waxay sidoo kale leedahay bog Facebook ah iyo Instagram

Shaqaalaha BBC Igbo:

Nigeria waa dalka ugu dadka badan qaaradda Afrika, waxaana looga hadlaa 200 oo luuqadood. BBC-da ayaa sanadkii la soo dhaafay billowday inay adeegyadeeda ku ballaarisa dalkaasi sanadkii la soo dhaafay.

Yoruba - Todoba aririmood

  • Dadka caanka ah ee luuqadan ku hadla waxaa ka mid ah Wole Soyinka, oo abaalmarinta Nobel Prize ugu guuleystay curinta gabayada iyo riwaaydaha
  • In ka badan 40 milyan oo qof ayaa ku hadasha luuqadan oo caan ah ka ah koonfur galbeed Nigeria
  • Hal eray ayaa macna badan yeelan kara, iyadoo ay ku xiran tahay hadba sida jumladda loo geliyo. Tusaale ahaan erayga ''owo'' waa lacag, sharaf ama xaaqin. Waxay ku xiran tahay sida loogu dhawaaqo.
  • Waxaa jirta diin dhaqamneed Yoruba oo ay xitaa ku dhaqmaan dad ku nool koonfurta Ameerika oo la geeyay halkaa xilligii dadka addoon ahaan looga ganacsan jiray oo laga tallaabin jiray badweynta Atlantikada.
  • Waxaa jira aflaam iyo heeso lagu jilay luuqada Yoruba oo door weyn lku leh kobaca Nollywood.
  • Waxaa jirta maahmaah caan ah oo oraneysa:Ile laawo k'a to s'ọmọ lorukọ" oo laga wado '' carruurtaada u bixi magac dhaqankaaaga waafaqsan''
  • bbc.com/yoruba waxaa sidoo kale laga helaa baraha Facebook iyo Instagram

Kooxda BBC Yoruba:

Mowduucyada la xiriira