Taliyayaasha Booliiska iyo Nabad Sugidda Soomaaliya oo maanta la magacaabay

Magacaabidda ayaa lagu dhawaaqay ak dib kulan ay golaha wasiirada yeesheen Lahaanshaha sawirka .
Image caption Magacaabidda ayaa lagu dhawaaqay ak dib kulan ay golaha wasiirada yeesheen

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta magacaabay taliyayaasha laamaha kala duwan ee ammaanka dalka.

Taliyaha booliiska ayaa waxaa loo magacaabay Bashiir Cabdi Maxamed.

Tillaabadan ayaa la sheegay in ay qayb ka tahay dadaalka ay dowladda fedaraalaka ee Soomaaliya ay ugu jirto xoojinta ammaanka guud dalka.

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeehsey kulan deg deg ah ayaa waxaa sidoo kale lagu magacaabay taliyaasha ciidamada nabad sugidda iyo Asluubta.

Taliyaha ciidamada Nabad sugidda ayaa waxaa loo magacaabay Xuseen Cusmaan Xuseen ,iyadoo Taliyaha Asluubta loo magacaabay S/guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo horay xilkan u hayay.

Taliyayaashii hore ee nabad sugidda iyo booliiska ayaa horey xilalka looga qaaday taasi oo keentay in muddo ay qaadato soo magacaabida taliyayaasha cusub.

Taliyayaashani cusub ee maanta la magacaabay ayaa waxaa hortaalla howl adag oo ah sugidda ammaanka dalka.

Mowduucyada la xiriira