Calooshood u shaqaystayaasha Ruushka ee ku dhammaanaya Suuriya

Yevgeny Alikov'oo ay dhashay, Nina Atyusheva, oo gacanta ku haysata lambarka aqoonsiga wiilkeedii dhintay Lahaanshaha sawirka .
Image caption Yevgeny Alikov'oo ay dhashay, Nina Atyusheva, oo gacanta ku haysata lambarka aqoonsiga wiilkeedii dhintay

Dhimashadii dagaalyahanadii Ruushka ee ku dhintay Suuriya 7 February ayaa waxa uu dibadda soo dhigay koox calooshood u shaqaystayaal ah oo qarsoon.

Warbixinadda qaar ayaa sheegaya in 100 dagaalyahan oo Ruuska u dhashay lagu dilay hal dagaal.

Laanta afka Ruushka ee BBC ayaa baaritaan ku samaysay sida iyo halka ay ku dhinteen qoryaha Ruushka ee la kiraystay.

Bishii September,ee aanu soo dhaafnay Nina Atyusheva, oo ah haweenay howlgab ah oo ku nool tuuladda Severoonezhsk, ayaa laga soo wacay teleefoon waxaana loo sheegay in wiilkeeda Yevgeny Alikov uu ku dhintay gudaha Suuriya.

Toddobaad ka dib nin sida Naxash iyo lacag dhan $90,000 oo caymis ah ayaa u yimid.

Ninkani u yimid ayaa lacagta dhigay miis yaalay jikada.

  1. Dagaalka internet-ka ee Ruushka iyo NATO
  2. Ruushka oo "dilay" hogaamiye daacish ah
  3. Ruushka oo hakin doona duqeynta Xaleb

BBC ayaa isku dayday in ay la xiriirto ninkan , balse cid waliba oo qabata taleefoonka waxa ay sheegaysaa in uu qof kala yahay ayna waxba ka ogayn mutadhawciin Ruush ah oo ku sugan Suuriya.

Lahaanshaha sawirka .
Image caption Yevgeny Alikov ayaa Suuriya aaday ka dib markii uu horey uga soo dagaalamay Ukraine

'Hooyo, jiida hore ayaan ku jiraa '

Magaaladda Severoonezhsk ayaa ku taalla gobolka Arkhangelsk, Waa magaalo macddanta laga qodo oo ku taalla dalka Ruushka.

Yevgeny ayaa waxa uu wax ka bartay magaaladda St Petersburg , waxa uuna ka dib markii uu guursaday u wareegay magaaladda Moscow, halkaasi oo xaaskiisa iyo saddex caruur ah uu kula noolaa.

Nina Atyusheva ayaa sheegtay in intii u dhaxaysay 2014 markii uu Suuriya ka soo tagay uu dhawr jeer aaday bariga Ukraine.

Waxa uu ka barbar dagaalamay mucaaradkii gooni u goosadka ahaa ee Ukraine ee uu Ruushka taageerayay.

Ukraine ka dib waxa uu dhawr bilood qaatay tababar ka hor inta uusan Suuriya u ambabixin.

Waxa jira warar mar waliba ay baahin jirtay Saxaafada oo ku saabsan in shirkado militari oo gaar loo leeyahay ay dad ku tababaraan saldhiga ku yaalla Krasnodar ka dib na loo diro dalka Suuriya.

Lahaanshaha sawirka .
Image caption Dikumiinti muujinaya lambarka aqoonsiga Yevgeny Alikov' M-3601

Yevgeny ayaa Suuriya yimid xagaagii ugu dambeeyay isaga oo sita Baasboor la siiyay 16 June.

Mid ka mid ah dikumiintiyada ay heshay hooyadii ka dib geeridiisa ayaa muujinaya lambarkiisii aqoonsiga oo ah: M-3601.

Lambaradan ayaa waxaa bixisa wasaarada gaashaandhiga Ruushka waxaana caadiyan ku qoran xarfaha luuqadda Ruushka oo ay la socdaan 6 lambar.

Balse kan la siiyo dagaalyahanada PMC ee ku sugan Suuriya ayaa ka kooban oo kali ah afar xaraf.

  1. Markabka dagaalka Ruushka oo lagu arkay meel u dhow UK
  2. "Israa'iil waxay weerar ku qaadday Suuriya" TV-ga Suuriya
  3. "xagjiriin ka macaashay gargaarka UK"

Yevgeny ayaa warqado Suuriya uga so diray hooyadii. "Hooyo waxa aan ku jiraa jiida hore ee dagaalka," ayuu mar u soo qoray.

Yevgeny ayaa halkaa ku sugnaa laba bilood oo kali ah , waxaana la dilay 2 bishii September oo lagu dilay magaalada Tiyas ee goblka Homs.

Lahaanshaha sawirka .
Image caption Yevgeny ayaa laba billadood ka heshay shirkad militari oo gaar loo leeyay oo lagu magacaabo (PMC) Wagner

Sida ku cad warqada lagu qoro sababaha uu qofka u dhintay ayaa waxa ay muujinaysaa " in dhaawac rasaas uu u dhintay ".

Yevgeny hooyadii Nina ayaa waxa sidoo kale la siiyay laba billadood oo ay ka heshay shirkadda PMC oo loo yaqaano Wagner,oo wiilkeeda shaqaalaysiisay.

Waxa ay wiilkeeda ku tilmaamtay in uu ahaa mid naxariis badan oo ahaa aabe wanaagsan.

"Qof waliba wuu ooyay markii meedkiisa guriga la keenay." Ayay tiri.

Lacagtii caymiska ayaa waxaa lagu shubay acounti bangi oo ay leeyihiin caruurta ay ayeeyada u tahay sababtoo ah waxa ay rumaysan tahay in sidaasi uu wiilkeeda jeclaan lahaa.

Sanaddii aanu soo dhaafnay ayaa waxay dowladda Mareykanka ku dartay PMC wagner shirkadaha Ruushka ee ay cunaqabataynta ku soo rogtay.

Lahaanshaha sawirka .
Image caption Warqadda lagu qoro sababaha uu qofka u dhintay ayaa waxa ay muujinaysaa in dhaawac rasaas uu u dhintay

Tirada askarta dhimatay.

Dikumiintigani oo ay hoyadani lagu magacabo Nina heshay islamarkana la tusay laanta afka Ruushka ee BBC ayaa muujinaya in bishii September 2017 oo kali ah ay ku dhinteen Suuriya 54 muwaadiniin Ruush ah.

Baaritaan ay samaysay wakaalada wararka ee Reuters ayaa muujinaya in 9 bilood ee ugu horreeyay sanaddi 2017 ay ugu yaraan 131 Ruushka u dhashay ay ku dhinteen Suuriya.

Mowduucyada la xiriira