Qaramada Midoobay oo la geeyay qaraar ku baaqaya in dagaalka Suuriya la joojiyo

Duqaymaha ayaa ka socda magaalada Ghouta. Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Duqaymaha ayaa ka socda magaalada Ghouta.

Golaha aammaanka ee Qaramada Madoobay ayaa loogu baaqay in ay ka baarandagaan qaraar ku baaqaya in muddo 30 maalmood ah la joojiyo dagaalka Suuriya.

Waxaa qaraarkan soo jeediyay dalalka Kuwait iyo Sweden si fursad loo siiyo in hay'adaha gargaarka ay deeq gaarsiiyaan dadka tabaalaysan.

Balse su'aasha taagan ayaa waxa ay tahay in Ruushka ay ogolaan doonaan in qaraarkan la meelmariyo iyo in kale.

Ruushka ayaa marar badan waxa ay qaraarada Suuriya u adeegsadeen codka diidmada qayaxan ee Veto si ay u difacaan xukuumadda Assad.

Danjiraha Ruushka u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in kulan daahfuran ay yeeshaan dhamaan dhinacyada golaha ammaanka islamarkana la raadiyo sida xaaladda taagan looga bixi karo.

Balse dublamaasiyiinta reer galbeedka ayaa waxa ay arrintani u arkaan in ay tahay qorsho ay Ruushka ku doonayaan in ay dib ugu dhigaan qaraarka.

Dublamaasiyinta reer galbeedka ayaa waxay ku doodeen in Ruusku uu doonayo in waqti dheeraad ah la siiyo ciidamada dowladda si ay u sii wadaan weerarka ay ku hayaan bariga Ghouta.

Mowduucyada la xiriira