Hay'adda UNICEF oo ka deyrisay mustaqbalka caruurta Rohingya

Kumannaan qof oo ah qaxootiga Rohingya ayaa ku jira xerooyiin ku yaalla Bangaladesh Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Kumannaan qof oo ah qaxootiga Rohingya ayaa ku jira xerooyiin ku yaalla Bangaladesh

Hay'adda Qaramada midoobay ee caruurta ee, UNICEF ayaa sheegtay in boqolaal oo caruurta Rohingya ah ay wajahayaan sanado badan oo hubaal la'aan ah.

Hay'adda ayaa sheegtay in ay tahay in xuukamadda Myanmar ay caruurta dhalanaya ay siiso dhalasho.

Hay'ada Qaramada midoobay ee caruurta ee, UNICEF ayaa sidoo kale walaac ka muujisay xaaladda liidata ee ay ku nool yihiin caruurta u qaxay Bangaladhesh.

UNICEF aayaa sheegtay in caruurta u qaxay Bangaladhesh aysan haysan hoy wanaagsan iyo waxbarasho.

Hay'ada ayaa xustay in haddii aysan taageero ka helin labada dal ay caruurtani wajahayaan mustaqbal aan wanaagsanayn.

Kumannaan qaxootiga Rohingya ah ayaa waxa ay ka soo qaxeen dalka Myanmar iyaga oo imika ku nool xerooyiin ku yaalla Bangaladesh.

Bangaladesh iyo Myanmar ayaa waxa ay dhawaan ku heshiiyeen in qaxootiga Rohingya dib loogu celiyo dalka Myanmar.

Mowduucyada la xiriira