Qaraxyo ka dhacay dalka Afqaanistaan oo qasaaro gaystay

Khariirada caasimada Kabul Lahaanshaha sawirka .
Image caption Khariirada caasimada Kabul

Saraakiisha dalka Afqaanistaan ayaa waxa ay sheegeen in dad ka badan 25 qof ay ku dhinteen moowjado weeraro ah oo ka dhacay qaybo kala duwan oo dalkaasi ka tirsan.

Weeraradani ayaa waxaa looga shakisan yahay in ay fuliyeen kooxda Taliban.

Saraakiisha ayaa sheegtay in ugu yaraan 22 askari la dilay ka dib markii ay kooxda soo weerartay goob ay ku sugnaayeen ciidamada gobolka ku yaalla galbeedka ee Farah.

Caasimada Kabul, qof bambaano isku soo xiray ayaa is qarxiyay halkaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan saddex ka tirsan ciidamada ammaanka oo ku sugnaa aaga ay dublamaasiyiinta degan yihiin.

Weerar kale ayaa ka dhacay gobolka Helmand halkaasi oo ay ku dhinteen laba skari ka dib markii gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu jiiray bar-koontarool.

Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in weerar kale uu ka dhacay isla gobolka Helmand halkaasi oo dhowr askari ay ku dhinteen.

Dabayaaqadii bishii aanu soo dhaafnay ayay ahayd markii qarax ka dhacay caasimada Kabul ay ku dhinteen ugu yaraan 95 qof.

Mowduucyada la xiriira