Qaraxyo ka dhacay gobolka ay Muslimiinta Rohingya ka qaxayaan ee Rakhine

cid sheegatay inay ka dembeysay qaraxyada ma jirto. Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption cid sheegatay inay ka dembeysay qaraxyada ma jirto.

Saddex qarax ayaa ka dhacay magaala madaxda gobolka Rakhine halkaas oo ay isaga carareen boqolaal kun oo qaxooti Rohingya ah bilihi lasoo dhafay.

Qaraxyada ayaa ka dhacay meelo kala duwan ee u dhaw degaanka siitwe.

Mid kamid ah ciidamada booliska ayaa dhaawac fudud soo gaaray balse ilaa iyo hadda cid sheegatay inay ka dembeysay qaraxyada ma jirto.

Muslimiinta laga tiro badanyahay ee Rohingya ayaa hore weeraro u geystay balse gobolka Rakhine waxay sidoo kale hoy u tahay kooxda xagjirka ah ee Budhist-ka, kuwaas oo xili hore wacad ku maray inay aargoosi sameyni doonan kadib marki toddobo qof oo iyaga kamid ah ay ku dhinteen dibedbaxyo bishi hore ay sameyeen qowmiyada Rohingya.

Mowduucyada la xiriira