Aktaradda caanka ah ee aflaanta Bollywood-ka Sridevi Kapoor oo geeriyootay.

Sridevi ayaa ahayd mid ka mid ah xiddiga ugu caansan dalka Hindiya Lahaanshaha sawirka AFP/Getty Images
Image caption Sridevi ayaa ahayd mid ka mid ah xiddiga ugu caansan dalka Hindiya

Aktarada caanka ee Sridevi Kapoor ayaa u geeriyootay wadna xanuun ku soo booday xili ay ku sugneyd dalka Imaaraadka Carabta.

Sridevi oo ka mid aheyd xiddigaha ugu caansanaa aflaanta Bollywood-ka ee dalka Hindiya ayaa waxaa lagu xasuusta aflaan badan oo ay kamid yihiin Nagina, Chandni, ChaalBaaz Judai iyo filmkii can baxay ee Mr India.

Aktaradan lagu magacaabo Sridevi Kapoor ayaa can ku aheyd magaca Sridevi, waxaana ay Dubai u tagtay si ay uga qaybgasho arooska wiil ay ilmo adeero yihiin.

Sridevi Kapoor ayaa in ka badan 50 sano ku soo jirtay jilidda aflaanta, waxaa ayna ka qayb qaadatay 150 filim.

Sridevi Kapoor ayaa iyada oo jirta da'da 4 sano waxaa ay ka qeyb gashay aflaantii filimaanta ku baxa luuqadaha kala ah Tamil, Telugu, Malayalam iyo Kannada.

Dadwayne aad u badan ayaa isugu soo baxay afaafka hore ee guriga ay Sridevi ka degantahay magaaladda Mumbai ee dalka Hindiya, ka dib markii la shaaciyay geerideeda.

Hogaamiyayaasha Bollywood iyo siyaasiyiin oo uu kamid yahay duqa magaalada London ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Sridevi Kapoor.

Lahaanshaha sawirka Mr Jayakumar
Image caption Sridevi aya sawirkan laga qaaday saacado ka hor inta aysan dhiman

Raisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa bartiisa tweetarka ku soo qoray "waxaan ka naxay geeridii lama filaanka ahayd ee ku timid aktarada caanka ah ee Sridevi",.

Sidoo kale jilayaal ay kamid yihiin Aamirkhan, preety Zinta, Rishi Kappor ayaa iyaguna ka tacsiyeeyay geerida Sridevi.

Madaxwaynaha Hindiya Ram Nath Kovind ayaa dhankiisa sheegay in geerideeda ay qalbi jab ku tahay malaayiinka reer hindiya ee taageerayaasheeda ah.,