Faa'iidada geedka Wammaha ama Mawe
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxaa ka mid ah faa'iidooyinka geedka Mawe

Isku daawaynta dhirta iyo garashada faa'idadeeda caafimaad ba waa aqoon dheer oo aadamuhu qarniyo badan iska soo dhaxlayey, ummad waliba deegaanka ay ku nooshahay dhirta ka baxday ayay hadba si u adeegsataa oo cunno mooyee siyaabo kale uga faa'iidaysataa oo qaarkeed isku dawaysaa.

Dhirta ay Soomaalidu aadka u isticmaasho waxa ka mid ah geedka la yidhaa Mawada oo faa'iidooyin badan in uu leeyahay Soomaalidu aaminsantahay.

Hadaba Siciid Abdi Boqorre oo ah sarkaal ka tirsan xafiiska cilmi baadhista beeraha ee dawlad deegaanka Soomalida Ethiopia, ayaa waxa uu sharaxaad ka bixinayaa geedka Mawada ee afka qalaad lagu yidhaa Moringa. Weriyahayaga Jigjiga Cabdinaasir Sheekh Maxamed Xikam ayuu u waramay.