Dawlada Soomaaliya maxay ka tiri warbixintii musuqmaasuqa aduunka?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dawlada Soomaaliya maxay ka tiri warbixinta musuqmaasuqa aduunka?

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in xogta ay ku dhisto hay'adda qiimaysa musuqa aduunka qiimeynteeda Soomaaliya ay tahay mid mala awaal ah isla markaana dhaw jeer oo laga codsaday in lala kulmo aanay ka jawaabin.

Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo waraysi gaara siiyay BBC-da ayaa sheegay inaanay uga daba hari doonin arintaasi hay'adda oo ay dabagal ku samayn doonaan.

Warbixin sanadeedka hay'adda qiimaysa musuqa aduunka ayaa Soomaaliya ka dhigtay dalka ugu musuqa badan caalamka iyadoo waliba hoos uga sii dhacday halkii ay joogtay 2016kii.

Wasiir Beyle wuxuu u waramay weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibrahim Maxamad Adan