Qarax ka dhacay duleedka Muqdisho

QARAX Lahaanshaha sawirka QARAX
Image caption Sawirka qarax horay uga dhacay Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in askarteeda ay ka hortageen gaari qarax wada, kaasoo dad badan dili lahaa haddii uu gaaro hadafkiisa.

Gaari ayey ciidammada ka dalbadeen inuu istaago ka gadaal markii laga shakiyey,  isagoo maraya duleedka magaalada Muqdisho.

Bar koontorool ayaa lagu baarey gaariga markii uu darwalku qarxiyay gaariga, halkaas o mid ka mid ah askertii baareysay uu ku geeriyooday. Dhowr qof oo kale oo rayid ah aaa ku dhaawacantay.

Kooxda Alshabaab ayaa sheegatey mas'uuliyadda weerarkaasi.

Toddobaadkii lasoo dhafey ayey Alshabaab 30 qof ku dileen qarax ay kusoo xireen gaari, taasoo ka dhacey meel u dhaw madaxtooyada.

Qaraxyada ayaa loo adeegsaday gawaari laga buuxiyay waxyaabo qarxa, waxaana ka dambeeyay rasaas aad u xoog badan, sida ay dad goobjoogayaal ah u sheegeen BBC-da.

Mas'uul u hadlay wasaaradda amniga gudaha ayaa sheegay in la dilay dhammaan raggii weerarka soo qaaday.