Maxakamad dowladda Masar u ogolaatay jasiirado ay ku wareejiso Sacuudiga

Tiran ayaa ah mid ugu wayn labada jasiiradood ee Sacuudiga lagu wareejinyo. Lahaanshaha sawirka HADY MESSADDY
Image caption Tiran ayaa ah mid ugu wayn labada jasiiradood ee Sacuudiga lagu wareejinyo.

Maxkamadda ugu sareysa dalka Masar ayaa meesha ka saartay dhammaan caqabadihii dhanka sharciga ee ka dhanka ahaa heshiis boqortooyada Sacuudiga loogu wareejiyay laba jasiiradood oo ku yaalla badda cas.

Go'aankan ayaa ku soo beegmay xilli lagu wado in dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga, Maxammed Bin Salman, uu booqasho rasmi ah ku tago dalka Masar.

Heshiiska Jasiiradahan ayaa markii ugu horeysay lagu dhawaaqay sanaddii 2016.

Go'aanka ay xukuumadda Masar ugu wareejisay Jasiiradahan ayaa wax ka dhasay dibadbaxyo.

Waxaa sidoo kale go'aankan ka hor yimid caqabado dhanka sharciga ah iyo kiisas maxkamadaha la geeyay.

Jasiiradaha ay Masar ku wareejisay Sacuudiga ayaa lagu kala magacaabaa Tiiraan iyo Sanaafiir.

Mowduucyada la xiriira