Kabo qaali ah oo laga sameeyo haragga jeerta iyo goroyada

.

Dalka Zimbabwe oo uu dhaqaale burbur ku dhacay waxaa aad u yar dadka kuu sheegaya guulaha ay ka gaareen ganacsiga, balse shirkadda Courteney Boot oo ay asaaseen lammaane is qaba waxa ay leeyihiin qiso taas ka duwan.

Shirkaddani waxa ay soo saartaa kabo laga sameeyo haragga jeerta, yaxaaska, goroyada, iyo lo' gisida.

Kabahani oo loogu talogalay dalxiiska kaymaha ayaa ah kuwa aad qaali u ah, adduunka daafihiisana laga soo dalbado.

In hal xabo oo ka mid ah la sameeyo waxa ay qaadataa muddo todobaad ah, wuxuuna ganacsigan ka midyahay kuwa dhif iyo naadirka ah ee adduunka ka jira.

Image caption Gale Rice

Waxaa ganacsiga asaasay oo leh John iyo Gale Rice oo ah lamaane is qaba, sanadkii 1991-dii ayay ka fureen magaalada Bulawayo oo ah tan labaad ee ugu weyn Zimbabwe.

Gale waxa ay tiri "Ninkayga waxa uu la yimid qaab la yaab leh oo uu ku xayaysiiyo kabaha, dadka caanka ah ee dalxiiska kaymaha ka shaqeeya ayaan u samayn jirnay kabaha si lacag la'aan ah, kadibna iyaga ayaa dadka kale ee ay isla dalxiisayaan uga sheekeyn jiray tayada kabaha".

Dadka kabaha iibsada waxaa ka mid ah dadka caddaanka ah ee beeralayda ah ee dalka Koonfur Afrika iyo Zimbabwe.

Balse markii uu bilowday dhaqaale burburkii Zimbabwe sanadkii 2000, shirkadda waxa ay lumisay macaamiil badan oo ahaa beeralaydii caddaanka ee dalkaas laga eryay, iyo waliba dalxiiseyaashii iman jiray.

Image caption 16 shaqaale ayaa shirkadda ka shaqeeya oo gacanta ku sameeya kabaha

Hadda waxa ay kabaha ku suuqgeeyaan qadka internet boqolkiiba 70%, halkii joog oo kabahan ahna waxaa la iibiyaa $145 illaa $492 doolar hadba nooca uu qofka doonayo, iyada oo ay tahay in uu qofka dalabka dhiibto marka hore.

Tan iyo intii uu isbadalka ka dhacay dalkaas, ganacsiga shirkadan kor ayuu usoo kacayaa sida ay sheegtay Gale.

Mowduucyada la xiriira