Dadwaynaha Sierra Leone oo u dareeray goobaha codeynta

Kormeerayaasha doorashada ayaa rajaynaya in ay si nabad ah ku dhacdo Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Kormeerayaasha doorashada ayaa rajaynaya in ay si nabad ah ku dhacdo

Dalka Sierra Leone, ayaa wax ka socota doorasho ay codkooda ka dhiibanayaan in ka badan 3 milyan oo qof taasi oo lagu soo dooranayo madaxwayne cusub, xubnaha baarlamaan iyo madaxda dowladaha hoose.

Caasimadda Freetown, ayaa waxa la arkayay safaf aad u dhaadheer ka hor inta aan xitaa la furin goobaha codeynta.

Madaxwayne Ernest Bai Koroma ayaa xilka ka dagaya ka dib markii uu dalkaasi ka talinayay muddo 10 sano ah.

Ninka uu u soo xulay in uu badalo Samura Kamara, ayaa waxaa la tartamaya 15 musharax oo kale.

Qaar badan oo ka mid ah musharaxiinta ayaa ballanqaaday in ay xalin doonaan musuqmaasuqa baahsan ee dalkaasi ka jira iyo saboolnimada.

Mr Kamara oo ka tirsan xisbiga All Peoples Congress (APC) ayaa ka mid ah saddex musharx oo ugu cadcad doorashada.

Musharaxiinta kale ee ugu cadcad waxaa ka mid ah Julius Maada Woni oo ka tirsan Sierra Leone People's Party (SLPP) iyo Kandeh Yumkella oo socda xisbiga National Grand Coalition (NGC).

  1. Dheeman weyn oo laga helay Sierra Leone
  2. Guurka gabdhaha aan qaan gaarin oo kordhay
  3. Madaxweyne hore oo xabsiga ka soo dhex maamulaya doorashada Liberia

Mid ka mid ah caqabada ugu wayn ee uu la kulmi doono hogaamiyaha cusub ee la doorto ayaa noqon doonta sidii uu dib ugu dhisi lahaa nidaamka caafimaadka ee dalkaasi ka dib markii sanaddii 2014 uu dalkaasi ka dilaacay cudurka Ebola oo ay ku dhinteen 4,000.

200 oo dhakhtar oo kali ah ayaa ka howlgala dalkaasi oo ay ku nool yihiin 7 milyan oo qof.

Madaxa kormeerayaasha doorashada ee ka socda wadamada barwaaqasooranka madaxwaynihii hore ee Ghana John Mahama, ayaa BBC u sheegay in ay jiraan caddeymo muujinaya in doorashada ay si nabad ah ku dhici doonto.

"Dadka shaqooyiinkooda ayay iska wataan , ma jiro wax walaac iyo cabsi ah oo ay qabaan ". ayuu yiri Mahama.

Mr Mahama ayaa intaa ku daray in musharxiinta ay saxiixeen balanqaad ah in ay nabadda ku dadali doonaan xiliga doorashada.

Mowduucyada la xiriira