Kolanyo gargaar oo maanta gaaray bariga Ghouta

Waa qaybtii saddexaad ee gargaarka halkaasi la gaarsiiyo Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Waa qaybtii saddexaad ee gargaarka halkaasi la gaarsiiyo

Gargaarkii ugu horeeyay tan iyo Isniintii ayaa ka gudbay furunta dagaalka iyada oo gargaarkaasi loo gudbiyay goobaha ay mucaaradka haystaan ee bariga Ghouta.

13 gawaarida xamuuka qaada ah oo sida raashiin iyo daawo ayaa goobtaasi ka gudbay.

Waxaa cunada iyo daawooyiinka loogu talagalay in la gaarsiiyo 400,000 oo qof oo uu dagaalka go'doomiyay.

Arrintan ay ka dambeysay ka dib markii dowladda Suuriya ay joojisay duqaymihii ay waday.

Xaaladda bariga Ghouta ee la go'doomiyay ayaa la sheegay in maanta ay dagan tahay.

Horey ayaa waxa hakad la galiyay gaarsiinta gargaarka dadka dhibaataysan ka dib duqaymo halkaasi ka dhacayay.

"Maanta, waxa ay halkasi garsiin doonaa gargaarkii dhinaa, kaasi oo ay ahayd in halkaasi la gaarsiiyo 5 March," waxaa sidaasi sheegtay afhayeen u hadhashay guddiga caalamiga ah ee laanqeyrta cas ee (ICRC), Ingy Sedky,.

Ali al-Zatari,oo ah isu duwaha gargaarka bina'aadanimo ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Suuriya ayaa sheegay in duqayn kasta oo laga fuliyo goobaha gargaarka la gaarsinayo ay tahay mid jabinaysa dammaana qaadkii dhanka ammaanka ee dhinacyada dagalamaya.