Dahab ku da'ay garoon Ruushka ku yaalla

Dahabka ayaa waddada garoonka diyaaradaha ku soo daatay Lahaanshaha sawirka YAKUTIAMEDIA.RU
Image caption Dahabka ayaa waddada garoonka diyaaradaha ku soo daatay

Macdan qaali ah ayaa ku soo daadatay garoon diyaaradeed oo ku yaalla bariga fog ee dalka Ruushka, arrintaas ayaana lala fajacay.

Arrintan ayaa dhacday ka dib markii uu jabay albaabka diyaarad ay saarnaayeen dahab iyo qalin oo ka duulaysay garoonka diyaaradaha ee Yakutsk iyada oo ku sii jeeday Siberia.

Ilaa 200 cad oo midkiiba 20kg yahay ayaana ku daatay wadda ay diyaaraduhu ka duulaan.

Dhammaan dahabkii iyo qalinkii waa la helay sida uu wakaaladda wararka ee Interfax u sheegay nin Kanada u dhashay oo macdanta lahaa.

Lahaanshaha sawirka yakutiamedia.ru
Image caption Waxaa la rumaysan yahay in cad kasta uu 20kg ahaa

Booliiska ayaa billaabay baaritaan ku saabsan waxa sababay shilkan.

Lahaanshaha sawirka yakutiamedia.ru
Image caption Booliiska ayaa isku gadaamay goobtii uu dahabku ku soo daatay

Mowduucyada la xiriira