Wajeer oo ka dibadbaxday macallimiin laga badelay

.
Image caption Waxbarashada magaalada Wajeer

Qaar kamid ah shacabka magaalada Wajeer ayaa maanta dhigay dibadbax ay kaga ashtakoonayaan macallimiin laga soo bedelay deegaano hoos tago Wajeer, kuwaa oo la sheegay in loo soo bedelay sababo ammni.

Dadka dibadbaxa dhigayay ayaa sheegay inay ka xunyihiin go'aanka guddiga adeegga macallimiinta dalka Kenya ay ku badeleen macallimiinta, kuwaa oo wax ka dhigayay Iskoola ku yaala deegaanada Wajeer.

Mid kamid ah dadkii dibadbaxa ka dhigayay magaalada Wajeer oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in qorshaha lagu badelay macallimiinta ay tahay mid laga leeyahay ulajeedo gaar ah, madaama buu yiri xitaa macallimiintii soomaalida laga soo badelay Wajeer.

Dadkaasi ayaa sheegay in cabashadooda ay u gudbiyeen saraakiisha dowladda, ayna dalbadeen in wax laga qabto arrintani.

Dibadbaxan ayaa imaanaya muddo bil kadib markii koox hubeysan ay weerareen macallimiin wax ka dhigayay deegaanka Qarsaa ee katirsan Wajeer, halkaa oo lagu dilay saddex macallin oo wax ka dhigayay iskoolkaasi, kuwaa oo kasoo jeeda qeybaha kale ee dalka Kenya. Weerarkaasi ayaa sidoo kale lagu dhaawacay hal macallin oo kale.

Mowduucyada la xiriira