Mareykanka, Jarmalka iyo Faransiiska oo cambaareeyay Ruushka

Rai'sulwasaare Theresa May Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Rai'sulwasaare Theresa May

Mareykanka, Jarmalka iyo Faransiiska ayaa taageeray go'aankii Britain ee ahaa in Ruushku uu ka dambeeyay sumayntii nin horey ugu tirsanaan jiray sirdoonka Ruushka oo ku sugnaa dalka UK.

Afarta dal ayaa waxa ay si wadajir ah u cambaareeyeen Ruushka, iyaga oo sheegay in uu ahaa weerarkii ugu horeeyay oo loo adeegsado suntan waxyeelaysa neerfaha oo Yurub ka dhacda tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka.

Waxay ugu baaqeen xukuumadda Moscow in arrintani ay shaaca uga qaado hay'adda caalamiga ah ee mamnuucidda hubka kiimikada ah.

Dowladda Ruushka ayaa dhankeeda beenisay eedeeynta loo soo jeediyay.

Madaxwayne Putin ayaa la kulmay golaha ammaanka u qaabilsan dalkaasi.

Golahani ayaa waxay walaac wayn ka muujiyeen waxa ay ku tilmaameen go'aanka daandaansiga ku dhisan ee Britain.

Dowladda Ruushka ayaa sidoo kale sheegtay in ay jawaab ka bixin doonto go'aanka Britain ay dalkeeda uga cayrisay 23 dublamaasi oo Ruushka u dhashay.

Mowduucyada la xiriira