Tirada dadka ka qaxaya bariga Ghouta oo koradhay

Tirada ka qaxaysa goobaha dagaalka uu ka socodo oo korodhay Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Tirada ka qaxaysa goobaha dagaalka uu ka socodo oo korodhay

Kooxaha u ololeeya xuquuqda aadanaha Suuriya ayaa waxa ay sheegeen in ay sii koradhay tirada dadka ka qaxaya bariga Ghouta.

Kooxahani ayaa waxay sheegeen in ugu yaraan 20,000 oo qof ay qaxeen khamiistii, taasi oo ah tiradii ugu badnayd tan iyo intii ay bilaabmeen duqaymaha dowladda ay wado.

Kooxda u dooda xuquuqda aadanaha ee fadhigeedu yahay Britain ayaa sheegtay in qaxa shacabka uu joogsaday ka dib markii mucaaradka ay weerar ku qaadeen magaaladda Hammouriyeh.

Madaxa hay'ada laanqayrta cas ee caalamiga ah, Peter Maurer - oo booqday barigaa Ghouta toddobaadkan in dadka goobtaasi ku sugan aysan haysan daawo iyo cunno.

Dagaalka Suuriya ayaa galay sanadkii 8aad, mana muuqato caalamad muujinaysa in dagaalkaasi uu dhamaanayo.

Dagaalka Suuriya waxaa ku dhintay in ka badan 350,000 oo qof , 1.5 milyan oo qof ay ku naafoobeen.

Qasaaraha ugu badan ayaa waxa uu dagaalka ka soo gaaray dadka rayidka ah.

Mowduucyada la xiriira