Kenya:Macalimiinta aan u dhalanin Gobolka waqooyi bari oo isaga cararay skoolada
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Macallimiinta Kenya ee isaga baxay gobolka W/bari Kenya

Todobaadyadii ugu dambeeyay waxaa socday muran iyo walaac ku saabsan macallimiinta aan u dhalan deegaanada gobolka waqooyi bari ee Kenya oo qeybo ka mid ah ay isaga baxayeen sababa la xiriira amaanka.

Deegaanada ay saameysay macallin la'aanta waxaa kamid ah deegaanka Lafey oo ka tirsan ismaamulka Mandera.

Macallimiin gaaraya 50 ayaa la sheegay inay isaga soo baxeen deegaanadaasi.

Haddabo saameynta arrintan ay ku yeelatay hannaaka waxbarashada ee deegaanka Lafey iyo deeganada kale ee ku xeeran ayaa weriyaha BBC-da Bashir Maxamed Caato waxaa uu ka wareystay Caaqil kamid ah dadka deegaanka oo magaciisa ka gaabsaday.