Faysal cali waraabe oo ka hadlay booqashada imaraatka
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Faysal cali waraabe oo ka hadlay booqashada imaraadka

Waxaa dalka Imaaradka Carabta ku sugan wafti sare oo ka socda Jamhuuriyada iskeeda ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland oo uu hogaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi .

Wafdiga Imaaradka ku sugan waxaa sidoo ka mid ah xubna ka tirsan golaha wasiirada iyo Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka Somaliland ee UCID .

Waftiga ayaa waxa ay kulamo la qaateen madaxda ugu sareeysa ee imaraadka Carabta.

Safararka wafdiga ka socda Jamhuuriyada iskeeda ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Soomaaliland ayaa ku soo beegmay xilli muran xoogan uu ka dhashay heshiis saddex geesood ahaa oo u dhaxeeyay shirkadda DP WORLD , Itoobiya iyo Somaliland.

Baarlamaanka fedralaaka ee Soomaaliya ayaa dhankooda waxba kama jiraan ku tilmaamy heshiiskaasi waxa ayna shirkadda DP Word ka mamnuuceen in ay Soomaaliya ka howlgasho.

Wariyaha BBC Cabrixamaan Bidhaan ayaa waraystay gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID Faysal Cali waraabe oo jooga DUBAI waxaanu ugu horreyntii waydiiyay waxa u qabsoomay waftigooda .

Kaasi waxa uu ahaa gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID Faysal Cali Waraabe oo u waramayay wariyaha BBC Cabdi raxmaan Bidhaan.