Nin u dhintay qaniinyada mas Abris ah oo uu korsanayay

. Lahaanshaha sawirka ABU ZARIN HUSIN

Nin u dhashay dalka Malaysia ayaa dhintay kadib markii uu qaniinay mas nooca Abriska oo uu korsanayay.

Ninkan ayaa ku caan baxay xirfadiisa xanaanayna iyo rabaayadaynta masaska, waxaana lagu magacaabaa Abu Zarin Hussein.

Ninkan ayaa soo caan baxay kadib markii wargeys arrimaha bulshada ka hadla oo kasoo baxa Ingiriiska uu si aanan sax ahayn ugu sheegay in uu yahay nin Thailand u dhashay oo guursaday mas.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Mas la waraabinayo

Abu Zarin ayaa ah shaqaalaha dabka, isaga oo dadka kale ee la shaqeeya ku tabobaray sida loo wajoho masaska.

Ninkan ayaa horey uga qeybqaatay barnaamij taleefishinka ka baxay oo uu kusoo bandhigayay ayuu ku dhunkaday mas uu gacanta ku hayay.

Mowduucyada la xiriira