Falanqayn: Halkuu ku dambeyn doonaa muranka u dhaxeeya Ruushka iyo Britain
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Falanqayn: Halkuu ku dambeyn doonaa muranka u dhaxeeya Ruushka iyo Britain

Waxaa cirka isku sii shareeray xiisadda u dhaxaysa Ruushka iyo dalka Britain.

Dowladda Ruushka ayaa wax laga naxo oo aan la cafin karin ku tilmaamtay eedeeynta wasiirka arrimaha dibadda Britain ee ah in madaxwayne Putin uu amray samaynta nin horey uga tirsanaan jiray sirdoonka Ruushka.

Wadamada gaashaanbuurta NATO iyo qaar ak mid ah madaxda Yurub ayaa dhankooda sheegay in ay garab istaagi doonaan Britain.

Wararkii ugu dambeeyay ee ay arrintani BBC ka qortay waxaa inoo haya Ciise Xaaji Cabdulle.

Hadaba halkuu ku dambayn doonaa murankan u dhaxeeya Britain iyo Ruushka su'aashaasi iyo su'aalo kale ayaa waxa aan waydiiyyay Cabdi Cumar Boobe oo degan dalka Britain islamarkana si dhaw arrintani ula socday.

Waxa uuna ugu horreyn inoo sharxayaa halka ay ka soo bilaabatay arrintani ninkani sirdoonka Ruushka ka tirsanaa iyo waxa shaqsiyadiisa ay ahayd.