Heshiiska Beled xaawo
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maamulada gobolka Gedo iyo Mandheera oo ka wada hadlay darbiga laga dhisayo xadka

Maamullada gobolka Gedo iyo magaalada Mandheera ayaa shalay kulan ay yeesheen waxay ka wada hadleen qalalaasihii ka taagnaa xadka Soomaaliya iyo Kenya, ee ku saabsanaa darbiga ay Kenya sheegtay inay ka dhiseyso xadka Beled Xaawo.

Guddoomiyaha gobolka Gedo iyo dhigiisa magaalada Mandheera ayaa sheegay in bulshada labada dhinac ay isku mid yihiin islamarkaana aysan ahayn dad kala go'i kara ama ay sohdin iyo darbi uu kala saari karo sidaas darteedna loo baahanyahay in si wadajir ah wax looga qabto amniga Gobolka.

Axmed Mursal Xuseen ayaa arrintan ka wareystay Maxamed Muxumad Maxamed oo ah guddoomiyaha gobolka Gedo.

Mowduucyada la xiriira