Dadka deegaanka Mooyaale ee Kenya oo ku hawlan gargaarka qaxootiga Itoobiya ka soo qaxay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dadka deegaanka Mooyaale ee Kenya oo ku hawlan gargaarka qaxootiga Itoobiya ka soo qaxay

Kumannaan qof oo Itoobiyaan ah oo ka soo qaxay dhiilada colaadeed ee ka taagan qeybo ka mid ah dalkooda ayaa soo gaaray deegaanka Mooyaale ee dalka Kenya.

Dadkani ayaa u badan kuwo sabool ah oo aan waxba haysan, waxaana ay ku nool yihiin gargaarka ay ka helaan hay'adaha samafalka iyo bulshada deegaanka.

Haddaba sida ay dadka deegaanka u arkaan, una caawiyaan qaxootiga Itoobiyaanka ah ayaa waxa uu Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud oo ka mid ah odayaasha deegaanka Mooyaale uga warramay weriyaha BBC Bashkas Jugsoo dhacay oo hawlo shaqo u tegay Mooyaale.