Nin u xirnaa 31 sano dambi uusan galin

Lawrence McKinney ayaa xabsiga ku jiray for 31 sano Lahaanshaha sawirka CBS NEWS
Image caption Lawrence McKinney ayaa xabsiga ku jiray for 31 sano

Nin u xirnaa 31 sano dambi uusan galin ayaa ku guulaystay 1 milyan oo doolar oo magdhaw ah.

Golaha xuquuqda ee gobolka Tennessee ee dalka Mareykanka ayaa si aqlabiyad ah ugu codeeyay Arbacadii in magdhaw la siiyo Lawrence McKinney oo 61 jir ah.

Mr McKinney ayaa la xiray sanaddii 1978 ka dib markii lagu eedeeyay kufsi iyo burcadnimo, balse waxa xabsiga laga siidaayay 2009 ka dib markii la ogaaday bishii December in uusan wax dambi ah galin.

Magdhawgiisa waa wixii ugu badnaa ee ay dowladda siin kartay ka dib markii ay dowladda siisay markii la siidaaynayay $75.

Waa lacagtii ugu badnayd ee ay dowladda gobolka Tennessee ay ebad bixiso.

"Waan u mahadcelinaynaa barasaabka,waana u mahadcelinaynaa golaha," ayuu yiri David Raybin,oo ah qareenka Mr McKinney.

Maxay ahayd sababtii loo xiray?

Bishii October 1977, Mr McKinney ayaa lagu xiray Memphis ka dib markii ay haweeney sheegtay in uu ka mid ahaa laba nin oo ku kufsaday gurigii ay daganayd.

Waxa lagu soo oogay dcwad ah kufsi iyo burcadnimo, ka dib markii dambigii lagu soo oogay lagu helay ayaa bishii June 1978 waxaa lagu xukumay 115 sano o xarig ah.

Markii la xirayay Mr McKinney waxa uu jiray 22 sano .

  1. Nin loo xukumay xuquuqda sawir daanyeer qaaday
  2. Nin xertiisii ku laayey Pakistan
  3. Nin jiha qaldan ku socday illaa 500km

30 sano ka dib bishii August 2008, ayaa waxaa la qaaday dhiiga DNA oo lagu ogaady saddex qof oo uusan midkoodna ahyn Mr McKinney.

Waxaa xabsiga laga siidaayay bishii July 2009.

Mr McKinney ayaa sheegay in uu xabsiga ku jiray 31 sano, 9 bilood, 18 maalmood, iyo 12 saacadood.

Qaabkuu ku helayaa magdhawga?

Mr McKinney lama siin doono dhammaan lacagta magdhawga ah.

Waxaa imika la siin doonaa $353,000 oo uu ku bixinayo qarashkii qareenkii u doodayay iyo daymaha.

Qaybta kale ee lacagtaa ayaa waxaa bil wliba la siin doonaa $3,350 muddo 10 sano ah.

Lacagtani ayaa waxaa la siin doonaa xaaskiisa haddii uu dhinto muddadaasi.

Mowduucyada la xiriira