Maalinta Qaaxada adduunka oo maanta laga xusayo caalamka
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maalinta Qaaxada adduunka oo maanta laga xusayo caalamka oo dhan

Maanta dunida waxaa laga maamuusayaa maalinta Qaaxada adduunka oo sanad kastaa maanta oo kale la xuso iyadoo la qabto munaasabado dadka looga wacyigelinayo cudurkan iyo halistiisa.

Waxaana maanta oo kale sanadkii 1882-dii uu dhakhtar lagu magacaabi jiray Robert Koch uu shaaciyay in uu ogaaday tagteeriyada keenta qaaxada, arrintaa oo sababtay in laga fikiro sidii qaabkii bagteeriyadaasi lagula dagaalami lahaa.

In kastoo dunida dedaallo badan laga sameeyay, haddana cudurkani qaaxada ayaa halis ba'an ku haya caalamka, iyadoo 4500 oo qof ay maalintiiba u dhintaan dunida oo dhan.

Haddaba cudurkan iyo waxa uu yahay ayaa Dr. Nasro Xabeeb oo ka hawlgasha mid ka mid ah cusbitaalada xaafadda Islii ee magaalada Nairobi waxa ay uga warrantay weriyaha BBC-da Faadumo Macalin Abukar.