Ruushka iyo Taliban oo beeniyay inay wada shaqeeyaan

Taliban Russia Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Maleeshiyo Taliban looga shakisan yahay oo ay ciidamada ammaanka Afghanistan ku hayaan Jalalabad

Ruushka iyo ururka Taliban ayaa midba dhankiisa beeniyay hadalladii ka soo yeeray madaxa ciidamada Mareykanka ee Afghanistan ee ku aaddaanaa in xukuumadda Moscow ay taageereysay, ayna weliba hub siineysay kooxda Taliban.

Safaaradda Ruushka ee magaalada Kabul ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay hadalka jeneraalka inuu yahay mid aan runta ku saleysneyn ahna xan la dhoodhoobay.

Afhayeen u hadlay Taliban ayaa sheegay inaysan dalna ka helin wax caawinaad ah.

Afhayeenka ayaa intaa raaciyay: "Cadowgu arrintani uma hayo wax caddey ah."

Isagoo la hadlayay weriyaha BBC Justin Rowlett, ayuu jeneraal Nicholson sheegay in Ruushku uu carqaladeynayay dadaallada Mareykanka ee gobolka iyadoo uu jiro dano ay wadaagaan oo ku aaddan la dagaallanka argagixisada.

Ruushka ayaa hore u sheegay in xiriirkeeda xaddidan ee ay la leedahay Taliban looga gol leeyahay dhiirrigelinta wada-hadallada nabadda iyo hubinta ammaanka muwaaddiniinta Ruushka.