Soomaalida iyo ganacsiga Internetka
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wuxuu ahaa qaxooti, maantana Amazon ayuu la ganacsadaa

Ganacsiga dunida aadka ugu soo badanaya ee ah in Internetka wax lagu iibiyo, lagana iibsado ayaa waxaa jira soomaali la jaanqaadday oo internetka ku leh goobo wax lagu kala iibiyo.

Idiris Abaadir Cabdi waa nin dhalinyaro ah, wuxuuna ka mid ahaa dadka ku jiray xerada qaxootiga ee Dhadhaab oo ah tan ugu weyn dunida.

Markii uu dhammaystay dugsiga sare ka dib ayuu daganaasho ka helay dalka maraykanka oo uu ku dhammaystay jaamacadda, balse ma uusan helin shaqo wanaagsan.

Sidaa darteed wuxuu go'aansaday in uu bilaabo dukaankiisii ugu horreeyey, ama bartiisa ganacsi ee ugu horraysay ee uu Internetka ku yeesho, taasoo keentay in uu ka mid noqdo sharikadda laga dukaamaysto ee ugu weyn dhanka Internetka dunida ee loo yaqaan Amazon.

Haddaba sidii uu ku bilaabay ka ganacsiga suuqa internetka iyo su'aalo kaleba waxaa waydiiyey Wariye Cabdulqaadir Yuusuf Cali, mar uu nagu soo booqday xafiiska BBC.