Win Myint oo loo doortay madaxtinimada Myanmar

Win Myint waxaa lagu tilmaamaa inuu jaal dhow la yahay Aung San Suu Kyi Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Win Myint waxaa lagu tilmaamaa inuu jaal dhow la yahay Aung San Suu Kyi

Baarlamaanka Myanmar ayaa u doortay Win Myint inuu noqdo madaxweynaha xiga ee dalka, todobaad ka dib markii uu iscasilay madaxweynihii isaga ka horreeyey.

Win Myint oo ay jaal dhow yihiin Aung San Suu Kyi ayaa wuxuu ahaa afhayeenka aqalka hoose ee baarlamaanka tan iyo 2012, waxaana in muddo ah la saadaalinayey in jagadan uu qaban doono.

Win Myint muddooyinkii u dambeeyey wuxuu ahaa madaxweyne ku xigeenka dalka.

Kaalintiisa ayaa noqonaysa mid xushmadeed, ayadoo Ms Suu Kyi ay noqon doonto qofka awoodda leh.

Htin Kyaw ayaa todobaadkii hore iska casilay madaxtinimada, ka dib dhibaato xagga caafimaadka ah oo la soo deristay.

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Htin Kyaw sababo caafimaad ayuu isku casilay

Baarlamaanku wuxuu haystay 7 maalmood oo madaxweyne uu ku soo xulo, waxayna Arbacada u fariisteen inay kala doortaan 3 murashax.

Bacdamaa uu muddo dheer xubin ka ahaa xisbiga National League for Democracy ee Ms Suu Kyi, ayaa waxaa loo arkaa inuu daacad u yahay haweeneyda.

Labada madaxweyne ku xigeen ayaa kala ah Myint Swe oo si KMG ah xilka u hayey markii uu Htin Kyaw jagada ka degey, iyo Henry Van Thio.

Inta badan dadka waddankaas ma oga qorshayaasha uu Win Myint ka damacsan yahay dhaqaalaha waddanka, ama sida uu nabad ugu soo dabaali karo, ama sida uu ula tacaamuli doono mushkiladda haysata dadka Rohingya.

Shardiga ugu weyn ee uu madaxtinimada ku helay ayaa la aaminsan yahay inuu ahaa daacad u ahaanshaha yahay Aung San Suu Kyi.

Magaalada Yangon iyo meelo kaleba, kama jirin damaashaadyo la mid ah sida kuwii la sameeyey markii la dhaarinayey Htin Kyaw, kaasoo noqday madaxweynihii ugu horreeyey ee si dimoqaraaddi ah loo soo doorto, isagoo aan xiriir la lahayn milateriga.

Mowduucyada la xiriira