Huawei oo soo saartay telefoon mugdiga sawirro ku qaadaya

Teleefanka cusub ee P20 Pro Lahaanshaha sawirka HUAWEI
Image caption Teleefanka cusub ee P20 Pro

Teleefanka ugu dambeeyey ee ay soo saartay shirkadda Huawei ayaa sawirro ku qaadi kara mugdiga.

Noocan oo la yidhaa P20 Pro waxa uu awood u leeyahay in uu muddo lix il bidhiqsi ah ilays isaga u gaara oo aan muuqanayn uu sawirka ku qabto.

Shirkaddan Shiinaha ah ayaa waxay dhawaan BBC-da u sheegtay in ay mustaqbalka noqon karto shirkadda ugu horraysa aduunka ee samaysa telefoonada casriga ah.

Haatan waxay ku jirtaa kaalinta saddexaad oo waxa ka horeeya Samsung iyo Apple, hase ahaatee waxa caqabad ku ah shirkadaha isgaadhsiinta Maraykanka oo diiday in ay iibiyaan telefoonada Huawei soo saarto.

Lahaanshaha sawirka HUAWEI
Image caption Muuqaal muujinaya sida sawirrada P20 Pro uga duwanyihiin kuwa iPhone X

Sida telefoonada Samsung soo saartay ee Glaxy S9, Huawei waxay ku soo jiidanaysaa macaamiisheeda taleefankan P20 Pro kamaradiisa.

Laakiin halka ay Galaxy S9+ uu labada kamaradood ka leeyayay, P20 Pro isagu waxa uu noqonayaa telefoonkii u horeeyey ee casri ah ee saddex kamaradood leh.

Qiimaha telefoonkan cusub ee P20 Pro waxa weeyi 899 Euro, taas oo u dhiganta 1,115 Dolar. Waana qiime ka jaban sicirka ay taaganyihiin Galaxy S9+ oo 949 Euro ah iyo iPhone X oo isaguna taagan 1,149 Euro.

Mowduucyada la xiriira