Dowladda Ruushka oo Dublamaasiyiin Mareykan ah dalkeeda ka ceyrisay

Qunsuliyada Mareykanka ee ku taalla St Petersburg ayaa la xiray Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Qunsuliyada Mareykanka ee ku taalla St Petersburg ayaa la xiray

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka, Sergei Lavrov, ayaa sheegay in xukuumadda Ruushka ay dalkeeda ka cayriyeen tiro la eg midii ay Mareykanka dalkooda ka soo ceyriyeen, ka dib sumayntii la sumeeyay nin horey uga tirsanaan jiray sirdoonka Ruushka.

Xukuumadda Washington ayaa horey dalkeeda uga ceyrisay 60 dublamaasiyiin Ruushka u dhashay.

Mr Lavrov ayaa sheegay in Ruushka ay xirayo Qusuliyadda Mareykanka ee ku taalla magaaladda St Petersburg.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka, Sergei Lavrov, ayaa sidoo kale ku baaqay kulan degdeg ah oo ay yeeshaan ururka caalamiga ah ee ka hortaga hubka Kimikada ee loo soo gaabiyo OPCW.

Dhanka kale xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, ayaa ka digay in xaladda ay ku sii siqayso dagaal qabow.

Waxa uu walaac ka muujiyay in aysan muuqan geedi socod hoos loogu dhigayo xiisadda u dhaxeysa Mareykanka iyo Ruushka.

Mowduucyada la xiriira