Rag hubaysan oo sii daayay duqa magaalada Tripoli

Duqa magaaalada ayaa su'aalo la waydiinayaa Lahaanshaha sawirka AFP/GETTY
Image caption Duqa magaaalada ayaa su'aalo la waydiinayaa

Duqa magaalada Tripoli ayaa la sii daayay saacado ka dib markii ay la tageen rag hubaysan, sida ay qoyskiisu sheegeen.

Abdelraouf Beitelmal ayaa gurigiisa lagalatagay Khamiistii, waxaana la sheegay in aan wax dhibaato ah la gaarsiinin.

Ilo ku dhaw qoyskiisa ayaa BBC-da u sheegay in dadka weerarrada soo qaaday ay rasaas rideen ayna weerareen wiilkiisa.

Sikastaba ha ahaatee madaxa baareyaasha ee xafiiska dacwad oogaha ayaa BBC-da u sheegay in duqa magaalada saldhig booliis loo sii qaaday si su'aalo loo waydiiyo.

Sediq AlSour oo masuul ah ayaa sheegay in xiritaankaasi uu ahaa mid sharci ah, balse wax sharaxaad ah kama uusan bixinin.

Dawladda iyo xoogag malayshiyo ah ayaa ku dagaalama awoodda Liibiya tan iyo markii uu kacdoonku ka billawday Liibiya sannadkii 2011kii.

Raga hubaysan ee qabsaday Beitelmal ayaa lagu warramay in ay rasaas fureen ka hor intii aysan gurigiisa galin waxyar uun ka hor saqdii dhexe, sida ay sheegeen ilo qoyskiisa ka tirsan.

Kooxaha hubaysan ee Liibiya ayaa lagu yaqaannaa in ay u hanjabaan oo weeraraan masuuliyiinta dawladda iyo shacabkaba.

Mowduucyada la xiriira