Ruushka oo ceyrinaya diblomaasiyiin dheeraad ah oo UK u dhashay

Sergei Skripal Lahaanshaha sawirka EPA/ YULIA SKRIPAL/FACEBOOK
Image caption Sergei Skripal, oo 66 jir ah, iyo gabadhiisa Yulia, oo 33 jir ah, ayaa isbitaalka ku jira tan iyo markii uu weerarku dhacay

Ruushka ayaa ku wargeliyay Britain in wadar ahaan in ka badan 50 ka mid ah diblomaasiyiinteeda ay tahay inay ka tagaan dalkaasi, iyadoo uu sii xoogeysanayo muranka ku saleysan sumeyntii UK loogu geystay jaajuus hore oo Ruushka u dhashay iyo gabadhiisa.

Moscow ayaa hore u ceyrisay 23 diblomaasiyiin Britain u dhashay kaddib markii London ay ku amartay 23 diblomaasiyiin Ruushka u dhashay inay dalkeeda ka baxaan.

Balse hadda Ruushka ayaa ku adkeysanaya in diblomaasiyiin dheeraad ah oo Britain u dhashay ay tahay inay baxaan.

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Ruushka ayaa xiraya safaaradda Mareykanka ee St Petersburg tan oo qayb ka ah tallaabadooyinka ay ku aargoosaneyso

Wuxuu Ruushku qabaa in tirade diblomaasiyiinta labada dal midba kan kale ka jooga inay isku mid noqdaan.

Tan ayaa la micno ah in ugu yaraan 27 saraakiil kale oo UK u dhashay gurigooda loo dirayo.

Dowladda Britain ayaa ku eedeyneysa Ruushka inuu ka dambeeyay weerarkii suntan neerfaha waxyeeleysa ee loo geystay Sergei iyo Yulia Skripal. Moscow ayaase dafireysa.