Israa`iil oo diidday in baaritaan lagu sameeyo dadkii Gaza lagu dilay

Palestine Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Kumannaan Falastiiniyiin ah ayaa ka qayb galay duug loo sameeyay qaar ka mid ah dadkii la dilay oo uu ku jiro Hamdan Abu Amsheh

Wasiirka difaaca Israa`iil Avigdor Lieberman ayaa diiday in baaritaan madax bannaan lagu sameeyay dilkii ugu yaraan shan iyo toban Falastiiniyiin ah Jimcihii loogu geystay Gaza.

Isagoo la hadlayay raadiyaha ciidamada Israa`iil ayuu Lieberman sheegay in ciidamada Israa`iil ay sameeyeen wixii lagama maarmaanka ahaa.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres iyo madaxa siyaasadda Midowga Yurub Federica Mogherini ayaa ku baaqay baaritaan madax bannaan oo lagu sameeyo dhacdadaasi, oo sidoo kale boqollaal kalena lagu dhaawacay.

Falastiiniyiinta oo u baroordiiqaya dadkii xadka lagu dilay

Gaza: Nolosha mataano isku dheggan oo khatar ku jirta

Milatariga Israa`iil ayaa sheegay in ugu yaraan toban ka tirsan dadkii dhintay ay ahaayeen waxa ay ugu yeeraan argagixisada, iyagoo markii la dilayay ku guda jiray falal argagixisannimo.

Xamaas oo gacanta ku haysa Gaza, ayaa sheegtay in shan ka tirsan dadkaas ay xubno ka ahaayeen garabkeeda hubeysan.