Ruushka: ficillada reer galbeedku waa sheeko carruureed

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka , Sergei Lavrov Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka , Sergei Lavrov

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka , Sergei Lavrov,ayaa sheegay in wadamada reer galbeedka ay wadaan sheeko caruureed marka ay Ruushka ku eedeeynayaan in ay sumeeyeen nin horey uga tirsanaa sirdoonkooda.

Mr Lavrov oo saxafadda la hadlayay ayaa sheegay in baaxadda uu muranka gaaray aysan ahayn mid Ruushka ku xiran.

Waxa uu Britain iyo Mareykanka ku eedeeyay in ay meel iska dhigeen dhammaan dabeecadihii la aqbali karay.

Ruushka ayaa beeniyay in ay masuul ka ahaayeen weerarkii loo adeegsaday Sunta waxyeeleysa neerfooyiinka ee loo gaystay Sergei Skripal iyo gabadhiisa.

In ka badan 20 dal ayaa ceyriyay dublamaasiyiintii Ruushka, iyaga oo ka jawaabayay sumaynta Sergei Skripal .

  1. Britain oo eedeysay Sacuudiga
  2. Aayaha Yurub marka Britain ay ka baxdo
  3. Hal milyan qof oo saxiixday dalab Trump looga joojinayo inuu booqdo Britain

Ruushka ayaa dhankooda ceyriyay dublamaasiyiin u dhashay dalka Mareykanka.

Dhanka kale xukuumadda Moscow ayaa ururka mamnuucidda hubka Kimikada waxay u gudbiyeen tira su'aalo ah.

Ruushka ayaa daalbaday in laa xaqiijiyo eedeeynta Britain ee ku aadan dhacdadan.

Khubarada u kuur gala arrintan ayaa sheegay in tillaabooyiinka Ruushka iyo wadamada reer galbeedka ay u muuqdaan kuwa la mid ah kuwii dagaalkii qaboobaa.

Mowduucyada la xiriira