Waalid helay gabadh ka luntay 24 sano ka hor

Sannado badan ayuu Wang Mingqing qaybin jiray sawirka gabadhiisa si meel uun loogu sheego Lahaanshaha sawirka CFP
Image caption Sannado badan ayuu Wang Mingqing qaybin jiray sawirka gabadhiisa si meel uun loogu sheego

Warbaahinta Shiinaha ayaa ku warrantay in lamaane ay gabadh ka luntay 24 sano ka hor ay heleen gabadhoodii.

Waalidkan iyo gabadhooda ayaa maanta dib u midoobi doona.

Wang Mingqing iyo Liu Chengying ayaa sheegay in gabadhooda Qifeng oo saddex jir ah ay iska dhaqaaqday iyaga oo ku sugan dukaan ay khudaar ku gadijireen oo ku yaalla Chengdu.

Dukaankii ay khudaarta ku gadijireen ayayna iska xireen si ay u baadigoobaan gabadhooda.

Si ay warka gabadha u faafiyaanna waxay daabici jireen kumannaan waraaqo ah oo ay sharaxaad uga bixinayaan gabadhooda maqan.

Sheekadooda ayaa gaartay gabadh 27 jir ah oo ku nool gobolka Jilin oo 3000 oo kiiloo mitir ka fog meesha ay waalidkeed ku nool yihiin, dheecaanka Hide Sidaha ee DNA loo yaqaanno ayaana xaqiijiyay in ay tahay gabadhoodii ay la'aayeen.

Waxay ku barbaartay iyada oo magac kale loo bixiyay, waxaana loo sheegay in si sharci loola soo wareegay iyada oo yar sidaasna lagu korsaday.

Mowduucyada la xiriira