Garsooreyaasha Maraykanka oo laga dalbaday in ay dadajiyaan kiisaska soogalootiga

Dad lagu qiyaasay 600,000 ayaa sugaya in la dhagayso dacwadahooda socdaalka la xiriira ee maxkamadaha Maraykanka yaalla Lahaanshaha sawirka AFP/GETTY
Image caption Dad lagu qiyaasay 600,000 ayaa sugaya in la dhagayso dacwadahooda socdaalka la xiriira ee maxkamadaha Maraykanka yaalla

Waaxda caddaaladda ee Maraykanka ayaa qoondo u samaysay garsooreyaasha gacanta ku haya kiisaska dadka soo galootiga ah si ay durba go'aan uga gaaraan, sida ay ku warrantay warbaahinta Maraykanka

Garsooreyaasha ayaa loo sheegay in ay sannadkasta ku soo afjaraan 700 oo kiis, "si loogu qanco" shaqada ay hayaan.

Laakiin dadka arrintan dhaliishan waxay sheegayaan in arrintaas ay horseedi doonto in dacwadaha si degdeg ah loo soo afjaro iyadoo dhammaan tallaabooyinkii loo baahnaa aan la qaadin.

Waxaa la qiyaasay in dad gaaraya 600,000 oo ruux ay sugayaan in maxkamadaha Maraykanku ay dhagaystaan dacwadahooda socdaalka ee maxkamadaha Maraykanka yaalla.

Sabtidiina madaxweyne Trump wuxuu xubnaha Jamhuuriga ee aqalka Congress-ka ka dalbaday in ay meelmariyaan shuruuc adadag oo ka dhan ah soogalootiga.

Waxaa kale oo uu ku celiyay sida uu uga soo horjeedo in sharciyo la siiyo boqolaalka kun ee soo galootiga ah ee Maraykanka la geeyay iyaga oo carruur ah.

Waaxda caddaaladda oo ka hadlaysa qoondaha ay samaysayna waxay sheegtay in arrintaasi ay xaqiijin doonto in dacwadaha lagu soo afjaro "wakhti kooban oo si fiican loo diyaariyay isla markaasna laga faa'iidaystay.

Devin O'Malley oo ah afhayeen hadlay ayaa sheegay in hadda ay garsooreyaashu sannadkasta go'aan ka gaaraan 678 celcelis ahaan, laakiin qaarkood ay dhamaystiraan 1,000 kiis, sida uu ku warramay wargayska Washington Post.

Laakiin ururka ay ku midaysan yihiin garsooreyaasha arrimaha socdaalka ee magaciisa loo soo gaabiyo NAIJ ayaa sheegay in habkan qoonduhu uu keensan karo caqabado dhanka sharciga ah.

Mowduucyada la xiriira