Maxaa ka jira in dadka Hindida ah aysan cunin hilibka?

Inta badan Hindiyaanka ayaa cuna Hilibka Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Inta badan Hindiyaanka ayaa cuna Hilibka

Dadka qaar ayaa aaminsan in dadka hindida ah intooda badan aysan cunin hilibka oo ay khudaarta kaliya cunaan balse taasi ayaan run ahayn.

Cilmi baaris aan la hubin oo horay loo soo bandhigay ayaa lagu sheegay in in ka badan rubuc dadka Hindida ahi ay cunin hilibka.

Seddex daraasaad ay sameeysay dowladda ayaa lagu sheegay in inta u dhaxeeysa 23%-37% ee dadka u dhashay Hindiya ay yihiiin kuwa khudaarta oo kaliya cuno.

Hasseyeeshee daraasad cusub oo ay sameeyeen Dr Balmurli Natrajan oo fadhigeedu yahay Mareykanka iyo Suraj Jacob oo ah khabiir ku takhasuusay dhaqaalaha ayaa cadeeyay in daraasaadka horay loo soo bandhigay aysan sax ahan.

  1. Atariisho lagu 'kufsaday' dalka Hindiya
  2. Hindiya oo musaafurineysa qaxootiga Rohingya
  3. Sawirro: Wiilka yar ee Ra'isulwasaaraha Canada iyo booqashadii Hindiya

Si kastaba ha ahaate, cilmi baareyaasha ayaa sheegaya in 20% oo kaliya dadka Hindida ahi ay yihiin kuwo khudaarta cuna.

Qowmiyadda Hinduuga oo dalka Hindiya ka ah 80% ayaa ah dadka ugu cunitaanka badan hilibka.

Xogta dowladda ayaa muujinaysa in dadka khudaarta cuno ay ka dakhli badan yihiin kuwa hilibka cuno.

Ugu yaraan 7% dadka Hindida ah ayaa cuna hilibka lo'da sida lagu sheegay daraasad ay sameeysay dowladda.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption 20% Hindiyaanka ayaa cuno khudaarta oo kaliya

Xisbiga Hinduuga ee qaranka ee BJP ayaa hormarinaya cunidda khudaarta waxa ayna aamisanyihinin in lo'da la badbaadiyo oo aan la cunin sababtoo ah inta badan qoymiyadda Hinduuga ayaa lo'da tixgalisa oo waxay aaminsayihiin in ay barakeysantahay.

Balse runta ayaa ah in malaayiin Hinyaan ah oo ay ku jiraan Daltis-ka, Muslimiinta iyo Masiixiyiintaba ay isticmaalaan hilibka lo'da.

Dad badan ayaa aaminsan in Punjab ay tahay meel aad looga jecel yahay hilibka digaagta.

Mowduucyada la xiriira