Israa'iil oo duqayn ka fulisay Qaza

Khariirad Lahaanshaha sawirka .
Image caption Khariirad

Weerarka dhanka cirka ah oo ay Israa'iil ka fulisay Qaza ayaa waxaa ku dhintay nin Falastiini ah.

Militariga Israa'iil ayaa waxay sheegeen in bartilmaameedkoodu ahaa argagixisada.

Duqayntani ayaa ku soo beegmaysa xilli la filayo in mar kale ay Falastiiniyiinta dibadbax ka dhigaan xuduuda Qaza ee Israa'iil.

17 Falastiiniyiin ah ayay askarta Israa'iil dileen boqollaal kale na way ku dhaawacmeen Jimcihii ka dib dibadbaxyo isu rogay rabshado.

Ciidamada ayaa waxa ay sheegeen in risaasta ay fureen si ay uga hortagaan in argagixisada ay gudaha u soo galaan dhulkooda.

Koox Israa'iil ah oo u ololeeysa xuquuqda aadanaha ayaa xayiisiin ay ku daabaceen wargays ayaa waxa ay askarta ugu baaqeen in ay diidaan amarka ah in ay toogtaan shacab aan hubaysnayn.

Dhanka kale wasiirka gaashaandhiga ee Israa'iil Avigdor Lieberman ayaa sheegay in aysan jirin wax iska badalaya amarkii la siiyay askarta Israa'iil oo togtay 17 Falastiiniyiin ah islamarkana dhaawacay boqolaal kale.

Mowduucyada la xiriira