Haweenay ul isaga difaacday shabeel soo weeraray

. Lahaanshaha sawirka RUPALI MESHRAM

Haweenay da' yar oo u dhalatay dalka Hindiya ayaa ka badbaaday weerar uu kusoo qaaday nooc ka mid ah shabeelka oo dad-qaad ah.

Rapula Meshram oo 23 jir ah ayaa sheegtay in markii ay maqashay gurhankii shabeelka ay , riyuhuna kala dideen in ay u carartay dhanka guriga, kadibna ay qaadatay ul, taas oo ay la dhacday shabeelka oo weerar ahaa.

Shabeelka ayaa Rapula ku jeedsaday, halkaas oo uu dhaawacyo soo gaarsiiyay gabadhii iyo hooyadeed. Balse riyihii meesha joogay ayuu shabeelkii cunay markii dambe.

Shabeelkan dad-qaadka ah ayaa dad badan ku cunay dalka Hindiya, balse gabadhan iska ridday bahalka ayaa aad loogu ammaanay geesinimadeeda.